Muqdisho-Ayaamaha-Xildhibaan Dalays Xasan Aadan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in loo diiday inay safar uga ambabaxdo Garoonka diyaaradaha Aadan Caddde ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa sheegtay in Ciidanka amniga Garoonka ay is hor istaag ay ku sameeyeen Xildhibaanada xili ay dooneysay inay Safar ugu ambabaxdo Gobolka Gedo oo deegaan doorasheedu tahay Gobolkaas.

Xildhibaannada ayaa Baarlamaanka ka dalbatay in loo cadeeyo sababta loogu diiday inay aado deegaanka Luuq Ganaane ee Gobolka Gedo iyo waxa lagu heysto,taas oo keentay in Guddoonka Golaha uu dalbaday in Ajandaha Maanta lagu soo daro.

Tira laba jeer ah ayaa horay waxaa Garoonka diyaaradaha muqdisho loo diiday in uu ka dhoofo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xubno kale oo ka tirsan Madaxda Xisbiyada Qaran.