Muqdisho-Ayaamaha-kulan ay yeesheen Xildhibaanada Aqalka Sare Ee Somaliya waxaa ay Ansixiyeen Sharciga Batroolka.

Kulanka waxaa shir guddominaayo Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayada oo ay ku-wehliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid xuseen Guhaad.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay soojeedin ka timid qaar ka mid ah xildhibaanada aqalka sare oo ku aaddaneyd in la ansixiyo Hindise-sharciyeedka oo horay ay u soo ansixiyeen xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya,iyada oo ugu dambeyn golaga aqalka Sare ay meel-mariyeen.

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xashi Cabdullahi ayaa ku dhawaaqa in uu Hindise-sharciyeedka Batroolka sidaa ansax ku yahay.