Dhuusamareeb-Ayaamaha-Maanta ayaa lagu wadaa in Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug ay yeeshaan kulankoodii ugu horeeyey,isla markaana ay uag hadlayaan Arrimo dhowr ah.

Kulanka Xildhibaanada Cusub ee Galmudug ayaa intii uu socdo waxaa ay ku dhex dooran doonaan Guddoon KMG ah, isla markaana ka shaqeyn doona Doorashada Guddoonka Baarlamaanka labaad ee Galmudug.

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa dhexdooda waxaa ay iska soo xuli doonaan Guddi doorasho,kaas oo asteeya hanaanka iyo habraaca doorashada guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Musharaxiin badan, kuwaasi oo u tartamaya xilalka kala duwan ee Galmudug, waxaana qeyb ka ah xubnaha halkaas ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka.

Amniga Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyey,waxana sidoo kale halkaasi ka socda kulamo xasaasi ah iyo loolan loogu jiro kamid noqoshada lixda Xubnood ee ka harey Baarlamaanka Maamulka Galmudug.