Muqdisho-Ayaamaha-Wararka naga soo gaaraya Xaruunta golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegayaa in Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda looga yeeray xaruunta golaha shacabka.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa looga yeeray inuu hor-yimaado Golaha Shacabka si wax looga weydiiyo arrimo ku saabsan shaaada Warbaahinta Qaranja.

Xildhibaan Mooshinka ka keenay Wasiirka warfaafinta ayaa gaaraya 11 xildhibaan, iyagoo qoraalka mooshinka ku soo lifaaqay dhowr qodob oo ku saabsan habdhaqanka Warbaahinta Qaranka.

Sidookale Xildhibaanada ayaa sheegay in aanay si cadaalad oo siman u soo bandhigin doodaha Golaha Shacabka, iyadoo Telefishinka SNTV laga sii daayo khudbadaha Xildhibaanada taageersan Xukuumadda.

Hoos ka Akhriso Qoraal kasoo baxay Golaha Shacabka.