Muqdisho-Ayaamaha-Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Ansixinta Sharcigaas ayaa waxaa ogalaatay 149 mudane waxaa ka aamusay 1 Xildhibaan waxaana diiday meel marinta sharcigaas 1Xildhibaan oo kale sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayey.

Guddoomiyaha ayaa markale digniin u diray Xildhibaanada aan soo xaadirin fadhiga Golaha, sigoo sheegay in aan la aqbali Karin in xildhibaanada qaar ay iska maqnaadaan.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ku dhawaaqay Natiijada,waxaana uu sheegay in uu ansax yahay hindise sharciyeedka dhismaha guddiyada.