Rug cadaaga Saxaafadeed ee Yuusuf Garaad Cumar ayaa qormo xasaasi ah ka qoray doorashada iyo doorka xildhibaanada ay ku leeyihiin dib u dhac kasta oo ku yimaada doorashada 2020/21.

Hoos ka akhriso qoraalka Yusuf Garaad.

Xildhibaanow Xusuusnow

Baarlamaankow Ciid wanaagsan. Waxaan maqlayaa in aad ku howlan tihiin qaabka ay doorasho u dhici doonto iyo goorta, qofkii Allah gaarsiiyo.

Marka hore waan idinku bogaadinayaa in aad gudaneysaan waajibaadkiinna Dastuuriga ah.

Marka xiga talooyinka aad rogrogeysaan, oo qaarkiin marka ay bannaanka joogaan aanay la gabmbaneyn, waxaan maqlayaa in ay ka mid tahay in aad kuraasta iska sii fadhidaan marka uu dhammaado xilligii la idiin doortay.

Kuwa sidaas ku doodayaa kama xishoonayaan ee qiil ayayba ka dhiganayaan in ay ku fashilmeen in ay howlaha ayaga kaga beegan doorashada ay qabtaan si ay u dhacdo xilligii la isku ogaa oo ah bisha November 2020.

Hadalka ayay qurxinayaan. Waxay leeyihiin doorasho lagama gaaro sidii in aanay ka mid ahayn howshii loo diray afar sano ka hor ee ay tahay Breaking News soo dhacay bartamaha 2020.

Waxaa kale oo aad mooddaa in ay moog yihiin in kuwii ay doorasho kaga adkaadeen ama khiyaamo iyo wax isdaba marin gacan lagu siiyay ay kursiga kaga boobeen ay afar sano sugayeen tartankii uu Dastuurku damaanad qaaday 2020.

In uu sameeyay ama uu ku biiray Xisbi ka dib markii shuruud laga dhigay.

In isaga oo cartamaya uu maalin maalin u tirsanayay goorta ay ku eg tahay muddada sharciga ah ee heshiiska lagu yahay ee Baarlamaanku.