MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay Xildhibaanada Beelaha Hawiye ku matala Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay sidii Gobolka Banaadir matalaad ugu yeelan lahaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa shirka ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Filish, Wasiirka Ganacsiga Eng. C/llaahi Cali Xasan, Wasiir Kuxigeenka dekadaha Cusmaan Daallo, Wasiir kuxigeenka Isboortiga.

Shirka ayaa waxaa ka maqnaa inta badan Wasiirada Beelaha Hawiye ku matala Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Madaxweyne farmaajo iyo Ra’iisul wasaare kheyre ayaa horay waxaa loogu eedeeyey inay raali ka aheyn in Gobolka banaadir uu yeesho maamul gaar u ah haseyeesha in Maamulka Gobolka Baanadir uu Matalaad ku yeesho Aqalka sare ayaa ah arin cusub.