HARGEYSA-AYAAMAHA-Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland ayaa Maanta waxaa kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland,

Ajendaha kulankaas Golaha Wakiilada ayaa waxaa uu ahaa Ansixintia labada xubnood ee Guddida doorashooyinka ee xisbiyadda Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani, kuwaasi oo horey loo diiday ansixintooda.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa Golaha ka hor Cadeeyay in Xubnahaani ay saxeen wixii hore loogu haystay ee keentay in la diido.

49 Xildhibaan ayaa ansixiyay Cabdifataax ibraahim Xassan oo ka socday xisbiga UCID halka Maxamuud Siciid Sheekh Dalmar oo ka socday Xisbiha WADANI ay u codeeyeen 51 Xildhibaan hal Xildhibaan ayaana ka aamusay.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in labadaan Xubnood la ansixiyay,isla markaana ay sirasmi ah uga mid yihiin Guddiga doorashooyinka Soomaaliland.