Muqdisho-(Ayaamaha)-Xildhibaano horay uga tirsanaa Baarlamaankii Sedeedaad ee Dowladdii kumeel gaarka ahayd ee dalka, ayaa sheegay in Dowladda haatan ka arimisa dalka ay ka doonayaan mushaar mudo sanado ah ka maqnaa.

Xildhibaanadan ayaa waxa ay sheegeen in kol hore Dawladda fedaraalka ah ee Soomaaliya ay u balan qaaday inay bixin doonto xuquuqdodii ee ka maqaneyd muddo.

Waxaa ay sidookale sheegeen in Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wasaarada maaliyadda ay horay ugu gudbiyeen liiska Xildhibaanada iyo tirada lacagta ka maqan balse aysan wali ka helin.

Ex Xildhibaan Cabdulle Faarax Xirsi iyo Shiikh Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in ay soo wakiisheen Xildhibaanadii kale oo aygu sida ay sheegeen qaarkood xanuunsanayaan isla markaana waxa ay dowladda Soomaaliya Cod dheer ku weydiisteen xaquuqdooda kamaqneed sanado badan.

Cabashadaan Xildhibaanadaan ayaa kusoo aadeysa ayada oo Ra’iisul Wasaare Khayre mar uu hadlayay uu sheegay in Dowladdisu gabi ahaanba bixisay dey mihii lagu lahaa dowladihii hore ee dalka soomaray.