Muqdisho-Ayaamaha-Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah mar kale kulan wadajir ah ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka wadajirka ahaa oo ay maanta yeesheen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya,isla markaana ay goobjooga ka ahaayeen 186 Xildhibaan iyo Senator, ayaa waxaa loogu qeybiyey Sharciga doorashooyinka.

Kulanka waxaa Shir Guddoomiyay Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waana kulankii labaad oo si wadajir ah ay u yeeshaan Xildhibaanada labada Aqal ee dalka.

Sharcigaan ayaa waxaa dhawaan soo geba-gabeeyey diyaarintiisa Guddiga KMG ah ee sharciga doorashooyinka,guddigaas oo ka koobnaa 15 Xubnood oo laga soo xulay xildhibaannada Golaha Shacabka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa kal hore soo gudbiyay sharcigan, hayeeshee waxaa loo xilsaaray xubno ka tirsan Golaha Shacabka, kuwaasi oo dib u eegis iyo wax kabal ku sameeyay sharcigan maanta loo qeybiyay Xildhibaanada labada Aqal.

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ee Sharciga Maanta loo qeybiyey ayaa waxaa ay fursad u heystaan muddo laba Cisho ah inay soo akhristaan,kadibna Xildhibaannada ay ka doodi doonaan si ay u meel mariyaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan sheegay in sharciga doorashooyinka oo ay Gudiga diyaarintiisa gacanta ku hayaan la ansixin doono Bisha  December ee sanadkaan 2019.