Muqdisho-(Ayaamaha)-Qaar ka mid ah Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa walaac xooggan ka muujiyay socdaalka uu dhowan ku tagay Magaalada Kismaayo, Ra’iisul wasaraha xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan Garabka taageersan Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid ah xildhibaannada sida weyn ugu hor yimid Safarka Kheyere iyo kulmmada uu la qaatay Madaxda iyo Shacabka Jubbaland.

Xildhibaan Jeesoow, ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Kheyre  uu booqday Dad lahaysto, oo ku jira Gacan gumeysi, isagoo tegistiisa Kismaayana ku tilmaamay in ay la mid tahay masuul ka socda Jaamacadda Carabta oo booqday Dhulka la haysto ee Qudus, isla markaana la kulmay madaxda Israa’iil.

Dadka siyasadda oddorasa ayaa safarka Kheyre ku macnaynaya inuu yahay mid looga soo horjeeda Madaxweyne Farmaajo iyo Xisbigiisa Tayo, iyadoo ay indhowaalaba jirtay kala aragti duwanaasho ku aaddan murashaxa Nabad iyo nolol iyo cidda uu noqon doono, taasoo ay isku mari la’yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre, wuxuuna mid waliba haatan ku jiraa olole u gaar ah si uu mid walba ugu soo baxo doorashada soo socota.