Muqdisho-(Ayaamaha)-Xog hoose oo aan heleyno ayaa wxaa ay sheegayan in qaar ka mid ah Xildhibaanadii taageersanaa Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre taageerada kala laabteen.

Xildhibaanada ka baxay safka Kheyre ayaa tiradooda lagu sheegay in kabadan 15-Xildhibaan halka kuwo kale la filayo iney saacadaha iyo maalmaha soo socda ay ku dhawaaqaan ineysan la dhacsaneyn sida uu wax u wado Ra’iisal wasaaraha,islamarkaana baalmarsan yihiin sharciga.

Sida la ognahay 75% Xildhibanaada Golaha Shacabka waxaa ay yihiin Wasiiro,kuwaasi oo dhaqaalo fara badan ka qaata Xafiiska Ra’iisal wasaaraha si ay u difaacaan marka ay xalaadda ku adkaato.