Xildhibaano ku dhaawacmay weerar caawa ka dhacay Jowhar.

JOWHAR-AYAAMAHA-Weerar bambaano ayaa caawa lagu qaaday guri ay deganaayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle oo ku yaalla Xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar .

llaa saddex xildhibaan ayaa ku dhaawacmay weerarka loo adeegsaday bam gacmeedka.

Qaar kamid dadka reer Jowhar oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in markii guri lagu tuuray Bamka kadib la maqlay rasaas mudo daqiiqado ah socotay, taas oo loo maleynayo in ilaalada xildhibaanada ay ridayeen.

Xaafadda lagu weeraray xildhibaanadaan ee ka tirsan xaafadaha magaalada Jowhar waxaa aad u degan musharaxiinta dowlad goboleedka HirShabeelle, waana mid aad loo ilaaliyo amaankeeda.

Magaalada Jowhar ayaa isku diyaarineysa doorashada Senatarada Aqalka sare oo maalmaha soo socda, iyadoo magaalada ay buux dhaafiyeen Musharaxiin, siyaasiyiin iyo dad kale oo qeyb ka ah ololaha loogu jiro Doorashada Aqalka Sare.