Muqdisho-Ayaamaha-Qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanka Koofur Galbeed ayaa soo jeediyay in kulan deg deg ah laga yeesho  arrinta Mukhtaar Roobow oo wali u xiran dowladda.

Xildhibaan Idiris Abdi Takar ayaa sheegay  iney xaaladiisa caafimaad aad u xun tahay kadib markii uu dhawr maalmood ka hor uu cuntada ka soomay.

Mid ka mid ah ehaladiisa oo magaciisa lagu sheegay Nuunow ayaa la hadlay idaacadda  Kulmiye ayaa waxaa uu sheegay ineysan garaneyn sababta uu cuntada uga soomay Wadaadka, sidoo kalana aan loo ogoleyn balse lagu wargaliyey in muddo saddex maalmood ah uusan waxba cunin.

Si kastaba Xildhibaan Idiris Abdi Takar oo muuqaal ku gudbinaya baraha bulshada ayaa u sheegay xildhibaanada baarlamaanka dowladda Federaalka ee kasoo jeeda deegaanka Koofur Galbeed iney isugu yimaadaan kulan sida ugu dhaqsiyaha badan isla markaana xaaladaan meel saaraan.

Xildhibaanka wuxuu sheegay u sheegay xildhibaanada kale in loo baahan yahay mowqif adag iney ka qaataan arrinta Mukhtaar, sidoo kale wuxuu rahmaday hanjabaad ah iney isaga tagayaan dowladnimada hadii aan loo fulin rabitaanka ay isku raaci doonaan.

Sidoo kale Xildhibaanka wuxuu wax badan kusoo cel-celiyay in go’aanka ay ka qaadan doonaan hadii aan loo sii deynin Mukhtaar ay kalsoonida kala laaban doonaan Dowladda Federaalka.

Dowladda Federaalka ayaa soo xirtay Mukhtar Roobow oo mar ka tirsanaa Al-Shabaab dhamaadka sanadkii 2018 kadib markii uu isku soo sharraxay doorashada Koofur Galbeed.

Arintaan ayaa imaaneysa xilli laga deyrinayo xitaa bad-qabka Mukhtaar Roobow oo la xasuusto inuu isku soo dhiibay dowladda.

Go’aanka kasoo baxa xildhibaanada Koofur Galbeed ee ku jira Baarlamaanka Dowladda Federaalka ayaa noqonkara Mid Xasaasi ah oo saameyn doono madaxda Dowladda Federaalka.