Muqdisho-(Ayaamaha)-Guddiga Golaha joogta ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay go’aamiyeen ay kalfadhiga aqalka sare uu qabsoomo bisha soo socota.

Shirka golaha joogtada ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Senater Cabdi kaafi Macalin Xasan oo ah habdhooraha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay in kulanka Golaha aqalka sare uu furmi doono bisha Soo socota.

Dhawaan ayay aheyd markii Golaha Aqalka Sare ay sheegeen in kulanka uu furmi doono 16 bishan, balse uu dib u dhac ku yimid.

Arrintan ayaa ku soo adaysa xilli uu wali khilaaf ka dhexeeyo Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.