Xilka qadista Cumar Filish oo miiska saaran iyo dood ka taagan magacaabida Gudoomiyaha Cusub

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka ka imaanaya Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in hadda loo wareegay mashquulka lagu yahay magacaabida Gudoomiyaha cusub ee gobolka banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo shakhsiga laga dhigi lahaa.

Xubnaha Xisbiga UPD ayaa sii diyaarsaday labo nin midkood balse waxaa socda wadatashiyadii ugu dambeeyey oo ku aadan in la kala xusho siyaasiyiin badan oo qurba joog ah qaarkood xilkaasina soo damaaciyey.

Dib usoo celinta labo qof oo hore xilkaan usoo qabtay iyo labo kale oo in la tijaabiyo doonaya ayaa ah kuwa loogu hadal heynta badan yahay in jagadaasi qaban karaan.

Dooda ugu weyn waxay ka jirtaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xubno katirsan Xisbiga UPD ay usoo jeediyeen in La kala reebo labada jago qofna loo magacaabo Duqa Muqdisho midka kalena laga dhigo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir,sidaan oo kale hore ayaa loo sameeyey Dawladii Madaxweynaha ka ahaa AUN Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde).

Xulashada Shakhsiga laga dhigayo Gudoomiyaha cusub Ee Maamulka Gobolka Banaadir waxaa go’aankeeda ugu dambeeya iska leh Madaxweynaha Jamhuuriyada Xasan Sheekh balse warar ayaa sheegaya in suurta gal tahay dib loo soo celiyo General Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo 2014 ilaa 2015) xilkaan soo hayey.

Ama Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sameyn karaa meel aan laga fileynin uu ka keeni doonaa shakhsiga uu xilkaan udhiibi doono,ha noqoto qof kasoo jeedo Deegaan ahaan Ceel buur ama Hiiraan iyo deegaanada ku teedsan,si saami qeybsiga loo simo.

Miiska waxaa saran xilka qaadista Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo saaxiib la ahaa maamulkii hore ee Madaxweyne Farmaajo ayaa sanado xilkaan soo hayey,lana tuhunsan yahay in magac iyo maalba kasameeyey.