Muqdisho-Ayaamaha-War qoraal ah oo kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayaa waxaa lagu sheegay in xeer u yaalla Xisbiga looga saray xubinnimadii Xildhibaan Cabdikariin Macalin oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Kulanka Guddiga Xisbiga ayaa intsii socday waxaa xubinnimadii Xisbiga laga joojiyay Xildhibaan Cabdikariin Macalin Axmed oo ahaa Xoghayahii Guud ee Himilo Qaran.

”Kulan maanta ay yeesheen Golaha Fulinta ee Xisbiga Himilo Qaran ayaa ka joojiyey Xubin nimadii Xisbiga Xildhibaan Abdulhakim Moalim Ahmed oo ahaa Xoghayahii Guud ee Xisbiga Himilo Qaran sida uu qabo xeerka Xisbiga” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay.

Ugu dambeyn Xisbiga ayaa tilmaamay in sababto xildhibaanka xubinnimada xisbiga Himilo Qaran looga saaray  ay tahay, kadib markii dhawaan uu beeniyay in Magaalada Dhuusamareeb la geeyay Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tirsaneyn howlgalka AMISOM.