MUQDISHO-AYAAMAHA-Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo madaxweynihii hore soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa yeeshay shir looga hadlaayey xaaladaha dalka iyo doorashooyinka l filayo inay dalka k dhacaan.

Shirka waxaa guddoomiyay Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan Ismaaciil Cabdirxmaan Sheekh Bashiir, waxaana ka qayb galay Xoghayaha guud Xildhibaan Yuusuf Gama’diid.

Sidoo kale shirka waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka Golaha fulinta Xildhibaan Celmi Caynsane iyo Xoghayeyaasha kale ee Xisbiga oo qaarkood hab fogaan arag ah uga soo qayb galay iyagoo ku sugan dalka dibaddiisa.

Shirka ay Xisbiga Himilo Qaran ku yeeshay xarunta Xisbiga ee magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay xaaladda dalka gaar ahaan Doorashooyinka,hadal jeedinti Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka,Xaaladaha amni iyo Siyaasadeed iyo Qorsheyaasha Xisbiga ee Doorashada Dalka.