Muqdisho-Ayaamaha-Xisbiga Wadajir  oo ka mid ah Xisbiyada Mucaaraadka ah ee sidda weyn uga soo horjeedda Hoggaaminta Madaxweyne Farmaajo  ayaa qaadacay kulanka ay yeelanayaan maanta oo Sabti ah Madaxweyne Farmaajo iyo Xisbiyada Siyaasadda ee heysta shahaadada KMG ee Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka.

Hoggaanka Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in aysan ka qeyb gali doonin kulanka Madaxweyne Farmaajo oo ay ku tilmaameen Mid maaweelo ah oo aan Micno badan ku fadhin.

“Xisbiga Wadajir wuxuu diyaar yahay in uu ka qeyb qaato kulamada looga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka 2020, haddii ay cadaato in Madaxwayne Farmaajo uu daacad ka yahay wadatashiga la xariira doorashooyinka 2020-ka, wuxuuna Xisbigu dhab u qaadanayaa wada tashiyada, Marka uu Madaxweynuhu si cad shacabka Soomaaliyeed ugu cadeeyo una balanqaado in uu san hal maalin ku darsan doonin muddo xileedkiisa”ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Xisbiga” ayaa lagu yiri War kasoo baxay xisbiga Wadajir .

Hoggaanka Xisbiga Wadajir ayaa shuruud ku xiray ka qeyb galka kulankaas, waxaana uu dalbaday in dowladdu cudur daar iyo magdhaw ka bixiso dhibkii ay Xisbiga Wadajir u geysatay, gaar ahaan dhacdadii lagu weeraray Xarunta Xisbiga 17 December 2017 oo aanay dowladdu illaa hada cudur daar ka bixin.