MUQDISHO-AYAMAHA-Abaabulka mooshin ka dhan ah guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kaasi oo gadaal ay ka riixeyso Villa Somalia ayaa kasocdo Magaalada Muqdisho.

Xogtaan aan ka helnay Villa Somalia ayaa sheegeysa in xalay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed uu kulamo la qaatay Senatoro ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo wada abaabulka mooshin ka dhan ah Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Senatoro ka tirsan Golaha Aqalka Sare ay qeyb kayihiin abaabulka mooshinkan waxaana lagu bixinaya lacag aad u farabadan.

Abaabulayaasha kulanka Mooshinka ayaa waxaa ay isku soo hadal qaadeen waxaa kamid ah in xubnaha kasoo horjeeda Cabdi Xaashi aysan marna laga qeyb galin kulamada uu iclaamiyo ee Aqalka Sare ilaa amar dambe lana sameeyo kulamo kale oo lagu diyaariyo mooshinka.

Khilaafka ka jira guddoonka Aqalka Sare ayaa la aaminsan yahay iney gadaal ka riixeyso Villa Somalia.

Sababta ka dambeysay Mooshinka Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in Villa Somalia ay ka carrootay markii uu guddoomiyaha Aqalka Sare iclaamiyey shir dhex-mara dowladda Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada dalka.

Markii dambe ayaa Madaxtooyada Soomaaliya gadaal ka ogolaatay shirkaas, kadib cadaadis ka yimid beesha caalamka.