MUQDISHO-AYAAMAHA-Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ku bixineysaa Lacag badan sidii loo heli lahaa Lacag shillin soomaali cusub.

Madaxtooyada ayaa warar aan ka helnay waxay inoo xaqiijiyeen in Bisha 9aad ee Sanadkaan lasoo daabici doono Lacagta Cusub Ee Shillin Soomaaliga.

Wasaarada Maaliyada Soomaaliya ayaa 17 Bisha September 2020 waxay sheegtay in Lacagtaan ay soo bixi doonto oo dalkana la keeni doono.

Bixinta Lacag Lixdan Milyan Dollarka Mareykanka,ayaa ku xayiran Arintaan,sida la sheegayna waxaa taagan qorshe kale oo guul dawlada Soomaaliya ku gaari karto.

Waa Baal cusub hadii sidaas waxa loo qorsheeyey dhacaan oo laga yaabo in dawlada Soomaaliya dib usoo laabashadeeda ay sahli karto.

Lacagta Shillin Soomaaliga waxay noqotay hadda mid la waayey,Kun ayaa uyar una weyn,balse Lacagta Cusub Shan Kun,Toban Kun, iyo Kun shillin ayey ka kooban tahay.