XOG:- Cali Yare & Mahad Salaad oo qorshihii loolinkooda wax ka bedelaya.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Mid ka mid ah Kuraasta hardanka ugu adag lagu galayo ayaa waxa uu yahay midka ay isku heystaan Mahad Salaad iyo Cali Cabdi Wardheere.

Kursigaan ayaa waxa uu yaallaa Dhuuso mareeb iyadoo labada Murashax ay kala yihiin mucaarad iyo muxaafad.

Beesha ay kasoo jeedaan lacago badan odayaasha heli doonaan kursigaan marka la gaaro doorashadiisa.

Cali Yare Cali oo aad uga ag dhaw Madaxweyne Farmaajo ayaa rajo ka qaba inuu guul ka gaaro islamarkaana ay dagaal siyaasadeed dhextaalo Mahad Salaad.

Beesha ayaanle ceyr ayaa waxay Murashax 3aad ay kursigaasi u ogolaatay inuu tartami karo waloow la sheegay in Cali yare uu taas ka dambeeyo.

Mahad Salaad Oo katirsan Xisbiga UPD Ee Xasan Sheekh Maxamuud hogaamiyo ayaa lacag tiro badan doonaya inuu kusoo laabtaan, sidoo kalena isna laga yaabi inuu keensado Musharax kale oo kursiga la difaaca si Cali yara oo kale.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa door muhiim ah ku yeelanaya Doorashada Xildhibaanada Federaalka iyadoo la ogeyn in mucaaradka uhiilin doono iyo villa Soomaaliya inuu ka farxin doono.