MUQDISHO-AYAAMAHA-Maalmihii lasoo dhaafay waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ka soo dagayay boqolaal Askari oo tababar ku soo qaatay dalka Eritrea.

Weli war sax ah lagama heynin mudadii ay ku maqanaayeeen dalkaas, waxaana waalidiinta dhalay looga kaxeeyay in la geyn doono dalka Qatar, oo halkaas lagu soo tababari doono.

Sabtidii lasoo dhaafay ayaa diyaarad laga leeyahay dalka Eritrea ka soo degtay ayaa keentay ciidamo gaaraya ilaa 250 Askari, waxayna Muqdisho ka qaaday shalay dhalinyaro kale oo tababar loo rabo sida aan xogtaan ku helnay.

Sidoo kale diyaarad kale ayaa shalay ka soo degtay garoonka Muqdisho waxaana la sheegay iney keentay ciidan kale oo tababar ku soo qaatay Eritrea.

Ciidanka tababarka soo qaatay ayaa la sheegay in ay qabaan tababar gaar ah waxaana loo qorsheeyay ilaalinta doorashooyinka Soomaaliya halka siyaasiinta qaar ay sheegeen in loogu talagalay in lagu caburiyo siyaasiinta iyo musharaxiinta.

Si rasmi ah looma oga tirada guud ee ciidankaan hasa yeeshee warar qaar ayaa sheegaya iney gaarayaan ilaa dhowr kun oo askri.

Dhowr bilood kahor ayaa warbaahinta waxaa qabsaday hooyooyin Soomaaliyeed oo ka cabanaya in wiilashooda loo qaaday Eritrea aysan muddo bilo ah war ka hayn.

Hooyooyinkaas ayaa markii dambe si gaar ah loola hadalsiiyey wiilashooda, kuna qancay.