Warar hoose oo aan helnay ayaa waxaa ay sheegaya in Xildhibaanada Mucaaradka ay wadaan qorshe ay Ra’iisul wasaare ku hor geynayaan Golaha Shacabka.

Shalay ayey aheyd markii uu Fowdo iyo Buuq kusoo dhamaaday kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa Magaalada Muqdisho ka socda kulamo iska soo horjeeda oo Hotelada waa weyn ay ku kala leeyihiin Muxaafadka iyo Mucaaradka.

Wasiirka Amniga, Kan Gaashaandhiga iyo Taliyayaasha Ciidamada ayaa shalay hortagay Baarlamaanka, waxaana kaliya ka maqnaa Taliye kuxigeenka NISA oo ah Siihayaha Taliyaha Nabad sugida Fahaf Xaaji Yaasiin.

Sida aan Xogtaan ku helnay in ka badan 20-Xildhibaan ayaa saxiixay soo jeedinta in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu hortago Baarlamaanka si su’aalo looga weydiiyo Amniga laakiin wali Guddoonka looma gudbin.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa laga yaabaa inuusan ogolaan in Kheyre uu hor yimaado Baarlamaanka maadaama xiisad xoogan ay maalmihii ugu dambeeyay ka jirtay Golaha oo isqabqabsi ka bixi la.

Xildhibaanada Mucaaradka oo nala hadlay ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaare Kheyre uu masuul ka yahay Amni darada Magaalada Muqdisho maadaama uusan talaabo ka qaadeyn Wasiiradda ku shaqada leh Amniga.