Muqdisho-Ayaamaha-Xog cusub oo lagu kalsonaan karo aan ka helnay laamaha amaanka ayaa shegaayo in haatan su aalo la weydinaayo xildhibaan katirsan golaha shacabka kasoo salka la gashay gabadhii isku qarxisay xarunta gobolka.

Saraakiisha Dambi baarista ayaa u yeeray xildhibaanka katirsan golaha shacabka oo markii uu qarax dhacaayey uu ku maqnaa safar dibada ah kasoo maalinimadii shalay soo gaaray magaalada Caasimada ee Muqdisho.

Xogtaan ayaa waxaa ay sheegaysaa in xildhibaanka uu gudoomiye Yariisoow u geeyay Basiira Cabdi Maxamed si shaqo loogu siiyo madaama ay tahay gabar arag la’ oo waxbaratay.

Xildhibaankan ayaa laga yabaa in kusoo baxo warbixinta laga baahin doono weerarkaan wallow weli ee socoto baaritaano xoogan lagana yaabo in salka la gasho masuuliyiin sar sare.

Madaxda Dowladda ayaa ku hoolan sidii oga soo dhalaali lahayeen kiiskaan kasoo noqday mid fadeexad weyn ku dhalin  karo laamaha amaanka.