Warbixn ay heshay Wakaalada Ayaamaha.com ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu kulan albaabada u xiran yihiin la qaatay Ganacsato iyo siyaasiyiin ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana kulanka looga hadlay qaraxyada ku soo batay magaalada Muqdisho.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweyne Soomaaliya ayaa ka codsaday Ganacsatada iyo siyasiyiinta inay taageero maaliyadeed ka geystaan dagaalka la doonayo in dalka looga xureeyo ururka Al shabaab oo maalmahan qaraxyo khasaaro badan geystay ka fuliyay magaalada Muqdisho.

Sidookale Ganacstadan iyo Wax garadka Farmaajo lakulmay ayaa balanqaaday inay soo qaban qaabin doonaan kulan weyne loo dhan yahay oo ganacsatada ugu waa weyn magaalada ay ka qeyb galaan taas oo lacago loogu uruurin doono Howlgal Balaaran oo Ciidamada Xoogga Dalka ay ku qaadi doonaan Deegaanada ay ku sugan yihiin Al shabaab.

Farmaajo ayaa si weyn ugu farxay go’aanka ka soo yeeray ganacsatada iyo siyaasiyiinta wuxuuna u balanqaaday in waqti kooban Al shabaab dalka looga saari doono