Xogtan Cusub ayaa sheegaysa in Bilooyinkii la soo dhaafay ee December, January iyo February in aysan wax lacag ah qaadan qaar kamid ah Warbaahinta magaalada Muqdisho ee laa-luushka laga siin jiray Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya aysan bixin lacagtaas oo ay qaadan jireen Idaacado iyo TV-yo ku yaala magaalada Muqdisho kadib markii la sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dhaqaalo xumi soo wajahday.

Lacagahan Lasiin jiray Idaacadaha iyo TV-yada ugu afka dheer magaalada Muqdisho ayaa bishii Qaadan jiray lacag u dhaxeysa 1,000$ ilaa 3,000$ waxa ayna lacagtaasi ku difaaci jireen Madaxtooyada Soomaaliya. Warbaahinta lacagtaan qaata ayaa waxaa mamnuuc ka ahaa baahinta wararka wax u dhimaya Maamulka Madaxtooyada Somalia.

Qaar ka Mid ah maamulada Warbaahinta ee lacagtaan lasiin jiray ayaa sheegay inaysan  helin bilooyinkii lasoo dhaafay hadana aan ogeyn sababtana aysan u helin lacagta, balse ay qiyaasayaan in uu jiro culeesyo dhaqaalo oo ay wajaheyso Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Lacagtaan ayaa markii hore Warbaahinta loo siin jiray horumaris sida la sheegay in ay gaab wayn gashay markii agaasime cusub ay yeelatay Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana lacagta laga dhigay gadaal ka dhiib oo bilooyinka qaar aan lagu tashan.

Telefshinada iyo Idaacadaha Magaalada Muqdisho ee lacagta la siin jiray balse bilooyinkaan aan qaadan ayaa maalmahaan bilaabay warar looga soo horjeedo Xukuumadda, waana sababta uu u batay isku dhaca wariyaasha iyo Ciidamada Booliiska.

Dhanka kale, taageerayaasha Dowladda ee baraha bulshada ayaa sidoo kale qaadanin lacgtii ay qaadan jireen oo u dhaxeysa 100$ ilaa 300$ mudo ku dhow 4 bil.

Xukuumada Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay looga adkaa baraha bulshada ee Internet-ka. Taageerayaasha mucaaradka ayaa todobaadyadaan ku xooganaa Internet-ka waxayna arintaasi ay dhaawac wayn ku tahay Xukuumada Soomaaliya.

Ilaa hada lama oga sababta arintaan ka dambeysa waxaa jira warar is qilaafsan oo sheegaya in ay arintaan sababtay dhaqaalo Xumi Xukuumadda heysata iyo warar kale oo sheegayaa in ay lacagta joojisay Haweeneyda agaasimaha ka ah Villa Somalia.