Garoowe-Ayaamaha-Xog lagu kalsoonaan karo ee laga helay xafiiska madaxweyne Den, ayaa sheegay, in uu fashilmay dadaal lagu doonayay in la isugu soo dhoweeyo Maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay Puntland xiriirkii wada-shaqeynta u jartay Villa Somalia.

Wararku waxaa ay sheegayaan in wasiiro, xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Puntland, ay ku fashilmay dadaal badan oo ay ku bixiyeen sidii madaxweynaha Puntland loogu qancin-lahaa in uu dib u soo celiyo xiriirkii wada-shaqeynta ee kala dhexeeyay xukuumadda dowladda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo xubno kale oo ka soo jeeda Puntland ayaa ku guul-darraystay dadaal ay ku doonayeen, in madaxweyne Deni uu ka laabto go’aankii uu xiriirka ugu jaray Villa Somalia.

Madaxweynaha Dani ayaa sida ilo xog-ogaal ah xaqiijinayan gebi ahaanba diiday in uu ka laabto go’aankaasi, ilaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku dhaqanto Dastuurka, lagana heshiinayo arrimaha ay isku khilaafsan yihiin labada dhinac.

Mr Deni oo safar ugu maqan dalka dibaddiisa, ayaa sida qorshaysan todobaadkan magaalada Nairobi kula kulmi doona madaxweynayaasha Galmudug, Jubaland, HirShabeelle iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.

Kulanka Ka dhici doona Nairobi ayaa la filayaa in madaxda dowlad goboleedyadu ay si wadajira cabasho ka dhana xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu gudbiyaan xubnaha Beesha Caalamka ee Nairobi jooga.