Muqdisho-(Ayaamaha)-Waxaa warbixin laga helay Xafiiska Howlaha Qaramadda Midoobay ee Somalia u qaabilsan Ammaanka waxaana la  faafiyay Digniino la xiriiro suurtagalnimadda qaraxyo ka dhaca Magaalada Muqdisho, kuwaasoo lala beegsan karo Hoteelo iyo goobo kale oo la isugu yimaado.

Weeraradan ayaa waxaa laga yaabaa inay dhici karan Arbacadda Maanta ah, illaa iyo Sabti, waxaana ku jira Baabuurta Qaraxyadda ah mid Xamuul ah oo sida Qarax Tankiisu wayn yahay.

Waxaa la sheegayaa illaa iyo 4 Gaari oo Qarax ah ayey Digniintu sheegaysaa inay soo galeen Magaaladda Muqdisho, kuwaasoo la aaminsan yahay in lala beegsan doono Hoteelo aan la magacaabin.

Xogtan oo ay qaybinaysay UNDSS ayaa waxay sheegtay inaysan xaqiijin karin sax ahaanta Xogtan.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii ugu dambeeyay kusoo batay Qaraxyo khasaara kala duwan geystay, iyadoo Shacabka ay soo wajahday baqdin xoogan maadaama Dowlada iyadoo wadooyinka xireysa hadana Qaraxyo ay magaalada ka dhacayaan.