MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Sheekh Axmed ayaa Kulan  saacado qaatay ku yeeshay Muqdisho waxaana looga hadlay arrimaha Soomaaliya.

Waxyaabaha laysla soo hadal qaaday waxaa kamid ahaa arrimaha ammaanka, doorashada, khilaafka siyaasadeed iyo arrimaha Covid-19.

Inta badan qodobada ayaa la isku afgartay markii laga reebo arrimaha doorashooyinka oo aan wali la cadeynin sidey u dhici doonto.

Madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cad ugu sheegay guddoomiyaha Golaha shacabka in qorshaha doorashada qof iyo cod ay tahay riyo aan suurta galeyn 2021-ka loona baahan yahay qorshe kale loo dhanyahay

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sidoo kale sheegay in ay waajib tahay in dalka ka dhacdo doorasho waqtigeeda aan ka dib marin, hufan oo xor ah, haddii ay dhici weyso ayey sheegeen in dalka lugaha la geli karo dhibaatooyin culus.

Sidoo kale mas’uuliyiintaan ayaa dalbaday in laga qeyb geliyo saamilayda siyaasadda qorshaha looga go’aan gaarayo nuuca doorasho ee dalka ka dhici karto.

Madasha Xisbiyada ayaa la filayaa iney soo saaraan war-saxaafeed ay kaga hadlayaan qodobadii ay kala hadleen guddooniyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya waxaase ka horreeya kulan kale oo ay yeelan doonaan dhammaan mas’uuliyinta Madasha Xisbiyada Qaran.