BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Diyaarad xamuul ah ayaa duhurnimadii maanta ku bur burtay Garoonka Diyaaraha Ugaas Khaliif ee Beledweyne.

Diyaarada ayaa si gaar ah ugu kireysneyd Qaramada Midoobay, iyada oo kasoo duushay dalka Jabuuti.

Diyaaradaasi bur-burtay ayaa siday gargaar loogu tala-galay dadkii ay saameeyen fatahaadihii gobolka Hiiraan, kaasi oo ay kasoo qaaday dalka Jabuuti.

Diyaarada oo siday gar-gaar u badnaa raashin, ayaa waxa sawirro laga soo qaaday muujinayeen dab xoogan oo kusii fidayay qaybo kamid ah garoonkaasi.

Dad ka ag-dhawaa garoonkaasi ayaa sheegay inay arkeen diyaarada oo isku dayeysa inay fariisato garoonka, balse si lama filaan ah hal mar u arkeen iyada oo holcaysa, ilaa haddana si rasmi ah looma oga sababta.

Taliyaha ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan, Korneyl Cabdullahi Muuse oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in la bad-baadiyey saddex shaqaale oo saarna diyaaradaasi.