MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa xalay gurigiisa magaalada Muqdisho kasoo xiray ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan, oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu taajirsan Soomaaliya.

Xaaji Abuukar Cumar Cadaan ayaa waxaa lagu eedeeyey taageero Al-Shabaab iyo dhiiri-gelinta rabshadaha iyo qaraxyada.

Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ayaa hada la sheegay in la geeyay guri ay ku ilaalinayaan Ciidamada Nabadsugida.

Wararka ayaa sheegaya in loo ogolaaday dadkii u adeegi lahaa ganacsadahaan maadaamaa uu yahay qof waayeel ah.

Dhanka kale warar ayaa sheegaya in Xaaj Abukar Cumar Caddaan uu ku biiri doono Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Mukhtaar Roobow oo horay dowladdu xabsi guri ku heysay, kuwaas oo aan saarin wax maxkamad ah ama aan la xukumin.