Muqdisho-Ayaamaha-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa is hortaag waxay ku sameysay diyaarad safiirka dalka Kenya u qaadi lahayd magaaladda Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka Jubbaland, sidda ay xaqiijiyeen illo lagu kalsoon yahay.

Lucas Tumbo ayaa waxaa lagu waramaya in uu kamid yahay martida caleema saarka madaxweynaha Jubbaland, taasi oo dib kaga dhacday waqtigii loo muddeeyay oo ahayd 26-ka bisha September ee sanadkan 2019-ka.

Wararka ayaa tilmaamaya in danjiraha diyaaradii u qaadi lahayd Kismaayo ay ka timid Nairobi ayna ahayd mid qaas ah.

Warbixino soo baxaya ayaa qeexaya in munaasabadda la qorsheynayo in la qabto dhamaadka bishan October, inkasta oo ay ku xirnaan doonto qaabka ugu wanaagsan ee loosoo afjaro xiisadda hadda taagan.

Sikastaba ha ahaatee, tani ayaa waxay noqoneysaa markii ugu horeysay oo diblumaasi sarre ka socda mid kamid ah wadamada caalamka ay xukuumadda ka hor istaagto in uu socdaalo qaybo kamid ah Soomaaliya.

Horey siyaasiyiin maxali ah oo uu kamid yahay madaxweynihii 7aad ee dalka, Sheekh Shariif Axmed iyo xubno kale ayaa loo diidey in ay u socdaalaan Kismaayo oo ay saaran tahay xayiraad dhanka socdaalka ah.