MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay damacsan yihiin in dalka ay geliyaan jawi dagaal ka hor doorashooyinka dalka.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay saraakiisha Milateriga Soomaaliya ayaa sheegaya Dolwadda Federaalka ay qorsheynayso dagaal u jeedo kale laga leeyahay oo aan aheyn in Shabaab wadanka Laga saaro oo keliya.

Duulaanka ka dhanka Al-Shabaab ayaa la filayaa inuu ka billowdo ilaa afar maamul gobaleed oo ka tirsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Goballada la filayo in duulaanka ka billowdo ayaa waxaa kamid ah Shabeellada hoose, Galgaduud, Shabeellada dhexe, Jubada Dhexe oo ka kala tirsan dowlad gobaleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Saraakiisha militariga ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid la doonayo in Shabaab looga xoreeyo deegaano badan ka hor inta aan madaxda hadda jirto waqtigu ka dhammaan, hase yeeshee mucaaradka ayaa rumeysan in dano kala lala leeyahay.

Xildhibaanada mucaaradka qaarkood ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in qorshahan ka dhanka Al-Shabaab uu yahay mid la doonayo in doorashada dib loogu dhigo si beesha caalamka iyo Soomaalida kale looga dhaa-dhiciyo in dalka ay ku faran tahay saddex arrin oo kala ah. Covid-19, Fatahaado iyo Jawi dagaal.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jirta sidii dib loogu dhigi lahaa doorashada Soomaaliya oo ay ka harsan tahay muddo 6 bil oo kaliya lamana oga sida ay ugu suurta geli doonto arrintaas.