Muqdisho-Ayaamaha-Xog gaar ah aan helnay ayaa waxaa ay sheegaysaa in dowladda federaalka Soomaaliya ay qorshaynayso in ay hub ka dhigis ku smaeyso ciidamada Ahlusuna ee Ku sugan magaalada Dhuusamareeb.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa doonaysa inay Awood Ku maquuniso Alhusuna ayadoo adeegsanaysa Ciidamada Itoobiya ee kusugan Soomaaliya.

Alhusuna ayaa arintaan horay walaac uga muujisay waxayn ciidamada Dowladda Soomaaliya u diiday garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb in ay soo caga dhigato diyaarad siday ciidamo katirsan dowladda kasoo qaadday dhanka magaalada Muqdisho.

Sidookale Doorashadii Kismaayo ayaa Dowladda Federaalka isku day in garoonka diyaaradaha magaalada kismaayo ay geyso ciidamado Itoobiyaan ah si amaanka garoonka ay ula wareegto waxaana loo diiday diyaaradii siday ciidamadii Itoobiyanka ahaa.

Ciidamada Itoobiya ayaa horay Madaxtooyada Baydhabo waxaa ay ku xireen Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ahaa musharax u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kaddib marki uu halkaasi ku casuumay maamulka Koonfur galbeed.