Muqdisho-Ayaamaha-Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thabit Cabdi Maxamed Ayaa waxa uu siriq siyaasadeed udhigayaa Madaxda Ugu sareysa Dalka si uu uga aar guto dabinkii loo dhigay.

Thabit ayaa tan iyo markii Xilka laga qaaday Sanadkii lasoo dhaafay waxay keentay inuu noqday mid mucaarad ku ah Farmaajo iyo Kheyre.

Gudoomiyaha ayaa shalay Xisbi uu hogaaminayo shahaadada la gudoon siiyey taas oo ka Mr Thabit wuxuu shaaca ka qaaday in uu Shacabka ku hogaamiyaan Wanaag badan iyo Xukun Cadli.

Thabit Cabdi Maxamed ayaa lagu xasuustaa dedaalkiisii badnaa ee uu dhiig iyo dheecaan ku bixiyey samata bixinta dadkii ku waxyeeloobay Xasuuqii 14 October.

Kheyre iyo Farmaajo ayaa waxay Thabit Ceerintiisii Kadib Gobolka Banaadir Gudoomiye ugu magacaabeen Eng, C/raxmaan Cusmaan Cumar (Yariisoow)