XOG:- Fadeexad ku soo baxday Guddi R/W Rooble dhawaan magacaabay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Guddigii Ra’iisul Wasaaraha u saaray kala shaandheynta xubnihii cabashada laga keenay ee ku jiray Guddiga doorashada lagu muransanaa ay ku lug yeesheen fadeexo ku aadan inay sii daayeen xubno shaqaale rayid ahaa oo ku jiray 67 xubnood ee midowga musharaxiinta ay horey ugu gudbiyeen Ra’iisulnwasaare Rooble..

Sida ay wararku tibaaxayaan guddigan uu hoggaaminayay C/llaahi Carab oo ah Saaxibka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay cadaadis kaga yimid Taliyaha NISA oo u sii daayay xubnaha laga keenay cabashada ee ku jiray Guddiga doorashada lagu muransanaa, taas oo laga yaabay in markale doorashada dib u dhacdo.

Xubinta aan la bedelin ayaa lagu magacaabaa Yoonis Xasan Xuseen (Yoonis Alifow) oo ku jira Guddiga doorashada Dowlad Goboleedka Hirshabelle, kaasoo ka mid ahaa shaqaalaha Rayidka, kana soo shaqeeyay Madaxtooyada Villa Somalia, balse markii dambe u wareegtay hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha oo uu Guddoomiye Kuxigeen ka noqday.

Ninkan ayay horay u soo eedeeyeen Guddiga Shaqaalaha Rayidka inuu labo Mushaar qaadanayay, isla markaana magdhaw lacageed lagu soo rogay inuu bixiyo mid ka mid ah mushaarkii uu qaadanayay oo gaarayay 6,352 dollar.

Arrintaan ayaa laga yaabaa inay hoos u dhigto kalsoonida lagu qabo Ra’iisul wasaaraha Rooble ee doorasha, waxaana dhici karto in markale dood laga keeni ama dib ay u dhacdo doorashooyinka.