XOG:- Farmaajo iyo Qoor-qoor oo hal arrin isku khilaafsan.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa khilaaf xoog leh uu soo kala dhexgalay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo dhinac isku ah iyo madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Warar hoose ayaa sheegaya in masuuliyiintaan ay isku khilaafsan yihiin ammaanka doorashada Galmudug oo la filayo in lagu wareejin doono taliyihii hore ee booliska Gobalka Banaadir Jenaraal Saadaq Joon, kaasoo dagaal la galay dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Khilaafkaan ayaa soo billowday toddobaadyo kahor markii Madaxweyne Qoor Qoor uu gaarigiisa garoonka diyaaradaha ku geeyay taliye Saadaq Joon oo safar maalmo kooban qaatay ku tagay Turkiga markii uu ka soo laabtayna looga soo qaaday isla gaarigii Qoorqoo, waxaana labada jeer gaariga la saarnaa Madaxweynaha Galmudug iyadoo sababta lagu sheegay in uu Qoor Qoor uu xil gaar ah iska saarayay ammaanka taliyaha oo ay qaraabo yihiin.

Qoor Qoor ayaa horey u kala dhex-galay dowladda iyo Saadaq Joon markii la isku dayey in lagu weeraro xaafadda Shiirkole ee magaalada Muqdisho, markaasi oo Qoor Qoor uu damaanad qaaday amniga Qoor Qoor.

Madaxweyne Farmaajo ayaa aaminsan in Saadaq Joon uu soo saari karo xildhibaanada mucaaradka islamarkaana uu saameyn weyn ku yeelan karo doorashada Soomaaliya maadaama loo xil saarayo ammaanka goobaha doorashada waana sababta keentay in ay kala tagaan Madaxweyne Qoor Qoor iyo Madaxweyne Farmaajo.