MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay madaxtooyada Soomaaliya.

Kulanka ayaa intiisa badan diirada lagu saaray Xaaladda dalka Soomaaliya iyo qaabka ugu haboon ee sida wadajir ah loogu wajahi karo wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb,kaas oo u dhaxeeyo Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Guddoomiyeyaasha Labada ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan iyo Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa madaxweyne Farmaajo la wadaagay sida ay u daneynayaan ka qeyb galka shirka magaalada Dhuusamareen kaas oo lagu go’aminayo masiirka ummadda Soomaaliya iyo halka la aadayo 2021.

Cabdi Xaashi, guddoomiyaha Aqalka sare ayaa ka horjeeda qorshaha Dowladda Federaalka ee ku aadan in mudo kororsi la sameeyo,islamarkaana doorashada waqtigeeda ay ku dhacdo,waxaana hadda socda qorshe la isugu soo dhoweynayo madaxda Dowladda Federaalka iyo Aqalka sare.

Sidoo kale, Guddoomiye Mursal ayaa la dhacsan qorshaha Villa Soomaaliya,wuxuuna ku fikir yahay madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb si uu qeyb kaga noqdo shirka arrimaha doorashada looga hadlayo.