XOG:-Farmaajo oo la sheegay inuu ku horreeyo koraasta Xildhibaanada ee soo baxday.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xilli loolan adag loo galay doorashada golaha shacabka ayaa hadana siyaasiyiin mansab iyo magac ahaan meel sare joogay ay iska waayeen Baarlamaanka soo socda.

Qaarkood iyagoo aad ugu dhawaa Villa Soomaaliya ayaa la hor istaagay sababo dhowr ah loo cuskado sida Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo sanadkaan laga reebay golaha shacbaka.

Kuraasta ay ku xisaabtameyso Nabad iyo nolol ee yaalla Maamul gobolleedyada kala ah Jubbaland,Galmudug,Hirshabelle,Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa ah kuwo lagu qoray shakhsiyaad muhiim u ah.

Farmaajo ayaa qorshihiisa ugu weyn waxa uu yahay siyaasad soo laabasho ah,wareega ugu dambeeya ee doorashadana uu ku qaado codad dheeraad ah.

Kuraas dhowr ah ayuu codkooda sii xisaabsaday hadda kuwo kale oo la dooran doona ayaana jira oo geed dheer iyo mid gaaban uu ku dedaalayo inuu soo saarto.

Xildhibaanada uu ku guuleystay Farmaajo inuu soo saaro waxaa ugu caansan C/llaahi Aadan Kulane oo kursigiisa loo xiray dhawaana lagu dooran doono Dhuuso mareeb,Gaashaanle sare Yaasiin Fareey oo la doortay,Fahad Yaasiin oo kursigiisa yaallo beled weyne isna waxa uu rajo 100% heystaa in la doorto & Xubno kale oo Nabad iyo nolol ah oo kuraastooda lagala shaqeeyey inay soo baxaan.