DH/MAREEB-AYAAMAHA-Wararka aan ka helayo magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta Galmudug, ayaa soo sheegaya in maanta ay madaxda soo saari doonaan War-saxaafadeed ku saabsan shirkii maalmahaan u socday.

Madaxweyne farmaano ayaa la sheegay in wax kasta oo lagu ballamo caawana lagu kala seexdo berri isagoo iska badalay ayaa la isku soo laabtaa, waa mid kamid ah caqabadaha daba dheereeyey shirka ka socda Dhuusamareeb iyo Madaxweynayaasha Maamul goboleedyadda oo ku jahawareersan cidda furaha kusoo rogaysa Madaxweynaha.

Dhanka kale ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in dhinacyadu aysan ku heshiinin nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonto, welina ay kala taagan yihiin halkii ay markii hore kala joogeen ee dhanka doorashada, hase yeeshee ay ku heshiyeen kaliya in kulan kale isugu yimaadaan iyo guddi ka shaqeeya arimaha leesku mari waayay la magacaabo.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya u amba baxo dalka Itoobiya waxa uuna ka qeyb geli doonaa shir ay yeelanayaan hogaamiyaasha Afrika.