Muqdisho-(Ayaamaha)-Waxaa maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay warar sheegaya in Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ay wado dadaalo ay ku dooneyso in mudo kororsi ku sameesato.

Madaxweyne Farmaajo ayaa habeenadii la soo dhaafay waday kulamo gaar gaar ah uu la yeelanayey odayaasha dhaqanka iyo Xildhibaanada Beelaha ku matala Golaha Shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa siyaabo kala duwan ula kulmay Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo waxgarad, waxaana la sheegay in uu kala hadlay damaciisa ku aadan in mudo dheeraad ah loogu daro dowladiisa.

Odayaasha , Xildhibaanada iyo waxgaradka Beesha Habargidir ayaa diiday inay la kulmaan madaxweyne Farmaajo kadib markii ay sheegeyn inuu madaxweynaha wado qorsho aan lugo laheyn oo aysan jirin cid laga dhaadhacsiin karo.

Waxaa baaqday Casho sharaf uu Madaxweynaha  u diyaariyey  Odayaasha , Xildhibaanada iyo waxgaradka Beesha Habargidir xilli juhdi, Qarash iyo waqti badan la geliyey.

Arrintaan ayaa sidoo kale waxaa  ka hor imaaday inta badan Hawiye iyo Darood, waxayna taas cadaadis badan ku abuurtay Madaxweyne Farmaajo oo ay u muuqatay inuu qorshahaas yahay mid adag oo ay horey ugu soo fashilmeyn madaxdii ka horeysay.

Madaxweynaha ayaa waqtigiisa inta ugu badan maalmihii dambe ku bixinayey qorshahaan, waxaana laga yaabaa inuu garab ka helo Dowladda Sacuudiga oo casuumaad u sameysay haddii uu sameeyo waxyaabaha ay doonayaan oo ay ugu horeyso in la badalo Ra’isulwasaare Kheyre xilkaasna loo dhiibo shakhsi ay iyada wadato.