DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Xog aan Ka helnay howlwadeenada shirka maamul goboleedyada ee maanta ka furmaya  magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudugayaa sheegaya in shirka uu kasoo bixi doono go aano aag.

Warar ayaa sheegaya in dhinacyada shiraya ay isku raaci doonaan in dalka ay ka qabsoonto doorasho waqtigeeda ah iyo in laga soo horjeesto qorshaha Villa Somalia ee doorashada dalka iyo dib dhac ay qorsheneyso madaxtooyada Somalia.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa sidoo kale la sheegay inuu wax ka ogyahay qorshaha iyo go’aanada ka soo bixi doona maamul gobaleedyada dalka islamarkana uu xariir la leeyahay maamulada dalka.

Indhaha Caalamka ayaa ku jeeda Dhuusmareeb waxaana go’aanka halkaas ka soo baxa loo arkaa mid muhiim u ah Shacabka Soomaaliyeed islamarkaana uu noqon karo mid dhinac u rida jahwareerka Siyaasadeed ee Somalia.