MUQDISHO-AYAAMAHA-Xogaha aan ka helnay Magacaabsita Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in lagu dhawaaqi doono wakhtiyada soo aadan.

Axmed Madoobe ayaa laba jibaaray Kulamada uu ku doonayo Magacaabista Golaha Wasiirada iyadoo ay Mashquul badan Madaxtooyada Kismaayo ka jiraan.

Golaha Wasiirada cusub ee Jubaland waxaa la sadaalinayaa inay ka soo dhex muqdaan sida xogta aan ku helnay masulintan.

1-Cabdinaasir Seerar Maax
2-Maxamed Cabdi Oogle
3-Maxamed Sh, Buraale Sh. Cali “Doodishe”.
4- Maxamed Warsame Darwiish Ex Wasiir hore
5- Cabdi nuur Cali Aadan Ex Wasiir hore

Waxaa laga yabaa qar ka mid ah Wasiiradii hore inay dib oga so muuqdaan liiska cusub, Wasiir “Janan” waxaa la galinayaa shaki ka so dhex muuqashada Wasiirada cusub iyo xubin kale,

Maxamuud Sayid Aadan ayaa la saadaalinayaa in labadeli doono sida warar hordhac ah ay sheegayaan inkastoo aanan helin shaqsiga lagu bedalayo.

Guux siyaasadeed kii ugu weynaa ayaa hadda Kismaayo ka jira iyadoo loo dheg taagayo Wasiirada la magacaabayo iyo Badelka lagu sameenayo Maxamuud sayid Aadan Oo Afar Sano soo hayey Xilka Madaxweyne Kuxigeenka 1aad Ee Jubbaland.