MUQDISHO-AYAAMAHA-Xog laga helay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegaysa in Golaha Wasiirada iyo xafiisyada kale ee dowladda aan laga qori karin shaqaale cusub oo dowladeed ilaa amar dambe.

Xasan Cali Kheyre ayaa amray in marka hore la shaqaaleysiiyo kuwii kumeel gaarka ahaa ee joogay xafiisyada dowladda markii kuwaas loo helo shaqaaleysiin rasmi ah kadibna la qaadan doono shaqaale cusub.

Kheyre ayaa amarkaan soo saaray toddobaad ka hor wuxuu ku sheegay in xafiiskii shaqaale looga baahdo in looga soo wareejin doono xafiis kale oo laga heli karo shaqaale kumeel gaar ah oo qaban kara shaqadii loo baahdo.

Arintaan ayaa doodeeda waxay bilaabatay markii ay xayeysiisay jagooyin ka banaan wasaaradda warfaafinta Soomaaliya taas oo markii dambe sababtay buuq iyo hadal heyn badan.

Amar ka soo baxay Kheyre ayaa markii dambe lagu joojiyay booskii la xayeeysiiyay iyadoo kadibna uu soo baxay amarkaa.

Arintaan ayaa noqoneysa mid culeys ka qaadeysa shaqaale badan oo muddo dheer kumeel gaar ahaa kuwaas oo dad badan oo ka dambeeyay kana xirfad yar la shaqaaleysiiyay, waxaana shaqaaleysiinga shaqaalaha dowladda lagu salleeyaa saameynta siyaasiinta matala ku leeyihiin dowladda.