XOG:- Lacagtii ugu yareyd oo xalay loo qeybiyey Xubnaha Baarlamaanka Jubbaland

KISMAAYO-AYAAMAHA-Xubnaha baarlamanka Jubbaland ayaa dooran doona Senatorka koowaad ee bilowga u noqonaya Hanaanka doorashada Soomaaliya oo ay mudo dheer dhinacyada siyaasadda ee Soomaalidu ay isku khilaafsanayeen nooca ay ku qabsoomayso, waxaana lafilayaa in ay Kismaayo noqoto magaaladii u horeysay ee soo saarta Senataradii ugu horeeyey maanta, sida ay cadeynayaan Mudanayaasha baarlamaanka.

Xubnaha qaarkood ee jagooyinka u tartamaya oo ah 9 xubnood, qaar kamid ah ayaa xalay lacago bixiyey sida ay cadeynayaan Xogaha aan helayno, waxaana xubnaha lacagahan ay siiyeen mudanayaasha barlamaanka Jubbaland, si ay codkooda uga bedeshaan, inkasta oo ay ugu magacdareen Sooryo.

Sheekooyinka xiisaha leh ee durba laga diwaangaliyey Jubbaland, waxaa kamid ah in musharaxiinta qaarkood xiligii ay la kulmi lahaayeen mudanayaasha baarlamaanka looga yeeray Xarunta Nabadsugida halkaas oo lagu hayay tan iyo xalay saqdii dhexe, goor dambena loo ogolaaday in ay ka baxaan xarunta, taas oo durba bilow u noqonaysa arrimaha hubanti la’aanta kuraaska Aqalka Hoose.

Mid kamid ah kuraasta loolanka badani ka dhici karro ayaa la xaqiijiyey in musharaxiinta sharaxan ay bixiyeen $1,000 ilaa $300, taas oo ka dhigan in ay dhinaca kale Jubbaland tahay halka ugu loolanka yar, marka loo eego kuraasta xubnaha Aqalka Sare, maadaama loolanka ugu badani uu ka dhacayey sida la rumeysan yahay kursiga ay kuwada qoran yihiin Ilyaas Badal Gaboose, Sharmaake Maxamed Cabdi Gaandi & Axmed Maxamed, iyadoo mid kamid ah loolankiisa xalay hoos loo dhigay.