Muqdisho-(Ayaamaha)-Warar aan ka helayno caasimada dalka Imaaraadka ee Abu Dhabi ayaa sheegaya in xalay ay halkaas kulan ku yeeshen Madaxweynayaasha Maamulada Somaliland iyo Puntland, Muuse Biixi iyo Saciid Deni.

Kulanka ayaa waxaa uu ka dhacay Hotelka Ascott Park ee magaalada Dubai, sida ay inoo xaqiijiyen ilo lagu kalsoon yahay.
Sidoo kale Wararku waxaa ay sheegayaan in Biixi iyo Deni ay kawada hadleen xiisada colaadeed ee ka dhex taagan labada Maamul, iyagoo isku afgartayna inay ilaaliyan heshiiska xabad joojinta iyo in laga fogaado waxkasta oo markale colaad ka abuuri kara labada dhinaca.

Maalmihii la soo dhaafay Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku howlanayd oo diyaarinaysay qorshahan ay xalay ku kulmeen Madaxweynaha Somaliland Biixi iyo dhigiisa Puntland Deni.

Kulankan ayaa ahaa mid qarsoodi ah, oo ilaa hadda aysan cadeyn arrimaha kale ee ay kawada hadleen Labadan Madaxweyne, iyada oo ay jiraan kulamo kale oo ay u balameen si ay uga wada-hadlaan sidii loo sii xoojin lahaa nabad waarta.