MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Qaraxii lagu weeraray Xarunta Laanta Canshuuraha Booliska Soomaaliya ee degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Dhamme Sadiiq Aadan Cali oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda ayaa sheegay in bartilmaameedka qaraxas saakay uu ahaa xarunta Ilaalinta canshuuraha, hayeeshee Ciidanku ka hortageen, isla markaana uu socdo baaritaano kala duwan.

Afhayeenka ayaa sheegay in shan Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda ay ku dhaawacmay qaraxaas, halka uu dhintay ruuxii gaariga waday, waxaana Askarta dhaawacantay loo qaaday Xarun Caafimaad oo ku taalla Muqdisho.