Nairobi-(Ayaamaha)-Waxaa xog dheeraad ah laga heshay kulanka xasaasiga ah ee Maanta Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya uga furmay madaxda Maamul GOboleedyada gaar ahaan Galmudug, Puntland iyo Jubbaland.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Midka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxwyenaha Puntland Deni oo Xalay soo gaaray Magaalada Nairobi.

Sidookale Kulamaddaan ayaa waxaa looga hadlaya Xaaladda dalka, waxaana ay sidoo kale ka hadlayaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Madaxda maamul goboleedyadda iyo soo celinta Shirarkii Madaxda maamul goboleedyadda.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Nairobi, waxaana xalay ku biiray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani.

Madaxda Saddexda maamul ayaa dhawaan diiday Shirkii uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo, waxaana ay aad uga soo horjeeddaan sidda ay dowladda Soomaaliya ay wax ku waddo.

Waxaa kaloo wararku ay sheegayaan in Madaxweynaha Hirshabeelle laga yaabo in  uu ku biiro Shirka ka socda Nairobi.

Sida ay Ayaamaha.com Ogaatay Madaxda Jubbaland, Galmudug iyo Puntland in wadajir magaalada Nairobi kula kulmi doonaaan wakiilada Beesha Caalamka, iyagoo kala hadlaya barnaamijka la macaamilka gaarka oo Beesha Caalamka dib u soo cusbooneysiisay in maamul goboleedyada si gaar ah uga taageerto barnaamijka Horumarinta iyo arrimaha bani’aadaminada.

Wali waxaa taagan Khilaafkii xoogaana ee u dhaxeeyey Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya kaasoo kasoo bilowday go’aanka ay Dowladda Dhexe ka qaadatay khilaafkii soo kala dhex galay Dowladaha Khaliijka.

Tan iyo markaas waxaa hakad la geliyay barnaamijyadii mashaariicda horumarineed ee Beesha Caalamka soo marsiin jireen dowladda Federaalka, waxaana muddo la hadal hayay in Beesha Caalamka ay qorsheyneyso sidii ay dib ugu soo celin laheyd barnaamijka macaamilka gaarka ah ee Maamulada iyo dowladda Federaalka ay si isku mid ah uga taageereyso mashaariicda horumarineed.