MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa Maanta la baajiyey kulankii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay yeelan jireen.

Farriimo loo diray xubnaha Golaha wasiirada ayaa lagu wargeliyey inuu baaqday kulankii xasaasiga ahaa ee Maanta la filayey inay yeeshaan Golaha Wasiirada kaasoo la hadal hayey in looga hadli doono xaaladda kala guurka ee dalka galayo.

Illaa hadda si rasmi ah looma ogo sababta keentay in la baajiyo kulankii sida weyn ee loo sugayey ee Golaha Wasiirada, waxaana jiro hadal heyn badan ku saabsan waxa uu u baaqday kulankaas.

Tan iyo maalintii Sabtidii markii lagu buuqay Madaxweynaha oo ka hor khudbeynayay Baarlamaanka xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa marba marxalado cusub ku soo kordhayay iyo tallaabooyin is xig xigay, kaddib baaqii ka soo baxay.